SHARE

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir  Dr Aweys Sheikh Cabdullaahi ayaa hadalkaan ka dhawaajiyey, xilli uu maanta ka hadlaayey kulan wacyi galin ah oo lagu qabtay xarunta Booliska ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in xukunadu marka ay soo dhamaadaan aan laga fuli Karin qabiilada iyo kuwo uu ku sheegay hogaamiye kooxeedyo.

Dr Aweys ayaa tilamamay in ciidamada booliska marka ay tagaan goobta ay wax ka fulin lahayeen  ay ka hor-istaagaan qabiilo amaa kooxo, islamarkaana uu xusay in loo baahanyahay in la keeno ciidamo boolis hubeysan oo ka hortaga waxaasi oo dhan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

Loading...