SHARE

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda baaritaan xooggan ay hada ka wadaan gudaha degmadaasi, kaasi oo an la’ogeyn waxa hada ku soo beegay.

Xaafadaha Hodan ayaa lagu arkayaa ciidamada dowladda oo wada howlgallo , waxaana ay baarayaan qaar ka mid ah xaafadaha degmadaas.

Lama oga waxa howlgalkan deg dega ah keenay, hasa’ahaatee Muqdisho in dhawaanahan waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka, sida qraxyo iyo dilal qorsheysan.

Lasoco waxa soo kordha.

Loading...