Sacuudiga oo dib u bilaabay Shidaalkii ay Masar siin jireen.  

 

Shirkadda Shidalka Dowladda Sacuudiga ee ARAMCO waxay dalka Masar soo gaarsiiyeen Labo Markab oo waday Shidaal deeq ah.

Wasiirka Shidaalka ee dalka Masar, Taarik Al-molla ayaa sheegay inay soo gaareen Deeqda Shidaalka oo ay Sacuudiga ugu talagaleen inay ku  taageeraan Dhaqaaalaha dalkaasi.

Sacuudiga waxay bishii April ee sannadkii hore oggolaatay inay dalka Masar bil kasta ugu deeqaan 7-kun oo tan oo shidaal ah, inkastoo taageeradaasi la hakiyey bilowgii bishii October ee sannadkii hore.

Booqashadii uu Boqor Salmaan Bin C/casiis ku tegay Masar bishi iApril ee sannadkii hore ayuu oggolaaday in l maalgeliyo Shidaalka Masar ka soo keensadaan Shirkadda ARAMCO muddo 5 sanno, iyadoo uu qiimaheedu noqonayo 23-billion oo Dollar.

Dhoofinta Shidaalkaasi ayaa la joojiyey bishi iOctober ee sannadkii hore, kadib, markii ay Lbada Dowladood isku maan-dhafeen Xiisadda dalka Syria.

 

Kaalmada Shidaalka ee Sacuudiga siinayaan dalka Masar ayaa socon doona muddo 5 sanno ah.

©Radio Dalsan

Comments
Loading...