Madaxweynaha Algeria oo markii ugu horreysay ka soo muuqday Shaashadaha Caalamka.

Madaxweyne C/casiis Butfaliiqa oo 90-jir ah ayaa waxaa muuqaalkaasi laga baahiyey Telefishinka Dowladda isagoo qaabilaya Wasiirkiisa u qaabilsan Carabta iyo Afrika.

Waana muuqaalkii ugu horreeyey Madaxweynaha tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu baajiyey Kulan uu bishii hore 20-da la yeelan lahaa haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah Jarmalka, Angela Merkel.

C/casiis Butafaliiqa oo uu Cuddurka Qalalka ku dhacay sannadkii 2013-kii ayaan inta badan lagu arkin Fagaarayaasha, waxaana la isweydiinayaa inuu dhamaysan doono Xilli-hawleedkiisa, isagoo dalkaasi madax ka ahaa ku-dhawaad 20-sanno.

©Radio Dalsan

Comments
Loading...