Codsi ay Puntland u gudbisay Isbahaysiga NATO oo lagu gacan-sayray.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Eng. C/xakiim C/llaahi Cameey ka codsaday Ciiddanka Caalamiga ee ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia inay tallaabo ka qaadaan Kalluumeysiga sharci-darradda ee Badda Somalia.

Waxa u uka hadlayey  Munaasabad shalay ka dhacday Dekedda Bosaaso oo lagu soo bandhigay Markabkii Booyadlaha ee  ARIS 13, kaasi oo Isniintii hore lagu qafaashay Xeebaha Caluula, iyadoo ay Ciiddanka Puntland ku guuleysteen in la sii daayo Markabka iyo shaqaalihii la socday oo u dhashay dalka Sri Lanka.

Afduubkaasi ayaa ahaa kii ugu horreeyey o oay Kooxaha Burcad-baddeeda ku qafaashaan Markab Gnaacsi tan iyo sannadkii 2012-kii.

Eng. C/xakiim C/llaahi Cameey ayaa ka digay inay dhici karaan Afduubyo kale, haddii aan laga hortegin Dhibaatadda ka taagan Badda Somalia.

“Waxaan ka codsanay Maraakiibta Dagaalka ee Isbahaysiga NATO inay tallaabo ka qaadaan Maraakiibta sida sharci-darradda uga kalluumeysata Badda Somalia” ayuu yiri Eng. C/xakiim C/llaahi Cameey.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Saraakiisha Isbahaysiga NTO u muujiyeen inaysan Hawlaha loo idmaday ka mid ahayn inay Maraakiibta noocaasi ah ka hortagaan, ee ay hawshooda tahay La-dagaaalanka Burcad-baddeeda.

Hawlgalka Isbahaysiga NATO ka wadeen Badda Somalia waxa uu dhamaaday bishii November ee sannadkii hore, kadib, markii ay aad hoos ugu dhaceen Weeraradda Burcad-baddeeda ku qafaalan jireen Maraakiibta Ganacsiga ee isticmaala Badda Somalia.

©Radio Dalsan

 

You might also like More from author

Comments

Loading...