(Warbixin) Degmadda Cadale: Sahmintii ugu dambeysay ee goobaha loo dalxiis tago ee gudaha Somalia

Cadale waa Degmo Kalluumeysi iyo Ganacsi oo ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe,  waxayna Muqdisho u jirtaa fogaan dhan 180-KM.

Radio Dalsan  waxay waqtiyadii ugu dambaysay ku jirtay Hawlgal ay Dhegeystayaasheeda iyo Akhristayaasheeda ku baraysay goobaha quruxda badan ee ay in badan aqoon u lahayn.

Koox shaqaale ah ayaa loo diray Degmadda Cadale, si ay u arkaan  waxa xaqiiqda ee loo tebin karo Soomaalida.

Caadiyan, ku-dhawaad 4 saacadood ayuu qaataa Safarka gaadiidka ee Muqdisho ilaa Degmadda Cadale, iyadoo la sii marayo Ceel-macaan iyo Warsheekh ee dhulka Xeebta ee Bacaadka badan ee kaabiga ku haya Xeebta Quruxda badan iyo Badweynta Indian Ocean.

Shaqaalaha waxay guureynayeen habeen oo idil. Waa meel ammaan ah, inakstoo aan dhowr jeer ciriiri kala kulantay dhulka Bacaadka miiran.

Waxaan Cadale gaarnay abaarihii 10-kii Fiidnimo, kadib, markii aan socdaalkeenna ka soo bilaabnay Muqdisho abaarihii 05:30 galabnimo.

Degmadda yar ee Cadale waxay ku hoos jirtaa gacanta Kontoroolka ee Ciiddanka Qaranka Somalia.

Dhowr Kiilomitir ee duleedka Degmadda Cadale waxaa ku taalla Xero Milliteri oo saldhig u ah Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ahNabad-ilaalinta .

Aroornimadii, waxay shaqaalihii socod Tamashleyn ah u aadeen si ay u soo arkaan Xeebta Cadale.

Waa Xeeb aad u ballaaran oo bacaad cosob ah leh, waxaad ku arkaysaa Doonyo Kalluumeysi oo badan halka Dekedda ah ee ay Kalluumeysatada isticmaalaan.

Badda waxay ahayd meel aad iyo aad loola yaabo. Midabka badda ayaa aad mid aad u muuqday oo aad awoodi karto inaad aragto bacaadka yaalla salka badda.

Xeebta degmadda Cadale waxay si fudud ku noqon karta mid ka mid ah Xeebaha ugu wanaagsan ee Afrika iyo Caalamka oo idil.

Waa meel ku wanaagsan in lagu dabaasho oo aan haba yaraatee lahayn ciriiri iyo buux, sida  caadiyan ka jirta  Xeebaha kale, sida Xeebta Liido ee magaalladda Muqdisho.

Marka aad eegto hareerta Xeebta Cadale waxaa ku yaalla dhul-kaymeed juq ah oo ay ku yaallaan Geedo aan noocooda laga helin gudaha Somalia, kuwaasi oo loo maleeyo inay abuureen xilligii uu Maamulka Gumeystihii Talyaaniga joogay Degmadda Cadale.

Dhulka Kaymaha iyo eebta waxay muuqaal-dambeed aad u qurux badan (background) u tahay  inay Dalxiisayaasha isaga qaadaan Sawiro xusuus leh.

Kooxda Shaqaalaha ee ka socotay Radio Dalsan waxay yaqiinsadeen inay xitaa aad ugu sii quruxda badnaan karto, haddii loo isticmaalo Diyaaradaha Droneska ee ay Kamerooyinka ku xiran yihiin si dusha sare looga soo sawiro Degmadda Xeebta leh ee Cadale.

Waxaan booqanay barta ay ku soo xirtaan Kalluumeysiga, Qeybtan ka tirsan Cadale waa  meesha ugu mashquulka badan, iyadoo Kalluumeysiga yahy Dhaqdhaqaaqa ugu ballaaran ee ka jira Degmadaasi.

“Cadaale, waxaan ku naqaaanaa Aargoostooyin waa weyn. Halkan xitaa, waxaan ku qalajinaynaa Libaax-badeedyo yar-yar iyo  halkan oo ay yaallaankalluun kale. Mararka qaarkood, noocyadda Kalluunka ee Malaay Gaduudow ama Boqorka Kalluunka (Kingfish), Damburi ama Faraska Badda (Red Snipers)” ayuu yiri Tula Maxamed oo ah Kalluumeysato la hadlay Radio Dalsan.

Image result for lobsters. 

 

Dalxiise kasta waxa uu dareemayaa macaan marka uu afka gashto Kalluunka marka uu joogo Cadale.

“Deegaankan xaqiiqo ahaan waa u amaan Dalxiisayaal inay yimaadaan, sida aad idinka aragtaan, waa Degmo qurux badan. Joogitaankeena waxay hubaal gelinaysaa inay dadka Deegaanka sii wadan karaan noloshooda  iyagoo aan la hubanin” ayuu yiri Kolonel Qoondhe oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Mid ka mid ah dadkii booqday Cadale ayaa aad u xiiseeyey inuu wax ka ogaado inay Talyaaniga mar u isticmaali jireen Cadale Xarunta Maamulkooda  Gumeystaha ahaa.

Ciiddamadda Gumeystaha Talyaaniga waxaa saldhig u ahaa Cadale, waxaana weli lagu arki karaa haraagga Dhismooyin qadiimi ah oo ay adeegsan jireen Maamulkii Gumeystihii Talyaaniga.

In la booqdo goobaha Ganacsiga ee Cadale iyo Tuulladda Kalluumeysiga ee u dhow Dekedda waxay yididiilo gelin kartaa qof kasta oo soo booqda.

Dadka Deegaanka waxay soo dhaweeyaan iyo inay caawiyaan ama Warbixinno siiyaan qof kasta oo Cadale soo booqda ama qariib ku ah.

Kala-dhaqan duwanaanshaha Degmadda Cadale waxay sahli kartaa in la arko qaabka loo kalluumeysto iyo ku safarka Badda oo soo jiidan karta dadka ka kala imaanayo dhemaan dhulka Xeebleyda ee Somalia iyo kuwa ka sii fog.

Waxaan la kulanay Nin Baajuuni oo ku hadlay Luqadda Swahili oo ku noolaa Cadale tan iyo sannadkii 1960-kii, isagoo Kalluumeysato ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan dhowr qof oo kale oo ku hadla Luqadda Swahili oo ku nool Degmadda Cadale.

Sidoo kale,  Labaatameeyo Qoys oo u dhalatay dalka Yemen ayaa iyagana ku nool XaafaddaDan-wadaag ee Degmadda Cadale, kuwaasi oo ku shaqeysta Xirfadda Kalluumeysiga.

Marti-gelinta ay Reer Cadale ku caan yihiin, waxaa kaloo Tusaale loo soo qaadan karaa Abaartii Daba-dheer ee dalkeenna ka dhacday sannadkii 1974-kii, waxay Dowladdii Kacaanka soo dejisay Degmadda Cadale qoysas tabaalaysan oo laga soo daad-gureeyey Goballadda Mudug iyo Galmudug, kuwaasi oo 300-guri looga dhisay Xaafadda Dan-wadaag oo ka mid ah Xaafadaha Degmadda Cadale.

Haddaynu eegno dhinaca Siyaasadda, Mudanayaal badan ayaa ka soo galay Degmaddaasi xilliyadii Daakhiliga iyo Dowladdii Rayidka, waxaana Xildhibaanadaasi ka mid ah:-

  1. Avvocate Maxamed Sheekh Axmed “Gabyow” oo ahaa  Mudane xilligii Daakhiliga laga soo doortay Cadale. Waxa kale oo uu Avvocate Gabyow ahaa Wasiirkii ugu horreeyey ee Wasaaradda Dastuurka ee Somalia muddadii u dhexeysay sannadihii 1956-dii ilaa 1960-kii.
  2. Cali Maxamed Hiraabe “Hagareey” oo ahaa Xildhibaan Xilligii Dowladdii Daakhiliga.
  3. Axmed Maxamed Afrax “Axmed Shuqul”.
  4. Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Xildhibaan laga soo doortay Degmadda Cadale sannadihii 1968-dii ilaa 1969-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Degmadda Cadale ayaa ah goob aad qiimo ugu leh in la soo booqdo, loona soo dalxiis tago.

U soo Dalxiis Tag Cadale, oo Daawo Dacaladeeda iyo Xeebta Qurxoon ee Dabiiciga ah.

 

 

©Radio Dalsan

Comments
Loading...