Xasan Sheekh oo Waxqabadkiisa Hoggaamineed iyo Rajadiisa Siyaasadeed u jeedin doona Ardayda Jaamacadda SIMAD.

Madaxweynihii JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay xilka sida Dimuqraadiyadda leh ku wareejiyey ayaa la filayaa inuu isbuuca soo socda la hadlo in ka badan 1,700 Arday oo ka tirsan Jaamacadda SIMAD ee magaalladdan Muqdisho.

Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Asaasayaashii SIMAD waxa uu Munaasabadaasi ku soo bandhigi doonaa Waxqabadkiisa shaqo 4-tii sanno ee uu Madaxweynaha JFS ahaa, Caqabadihii ka hor yimid iyo Waaya-aragnimadda Siyaasadeed ee uu ka dhaxlay Hoggaamintiisa.

Waxa kale oo uu Khudbadiisa culayska ku saari doonaa sidii uu Hawl-wadeenadda. Aqoonyahanadda iyo Ardayda Jaamacadda SIMAD ugu boorin lahaa inay galangal xooggan ku yeeshaan Siyaasadda dalka iyo sidii ay u hanan lahaayeen Hoggaaminta soo socota ee dalka.

Ilo ku dhow-dhow Jaamacadda SIMAD ayaa sheegay inuu Xasan Sheekh yahay Hoggaamiye wax badan u qabtay Ardayda ka aflaxday Jaamacadda, kuwaasi oo uu Xilal, Shaqo iyo Deeq Waxbarasho u fidiyey 4-tii sanno iyo dheeraadka ee uu hoggaaminayey Qaranka.

Natiijada sawirka HASSAN SHEIKH

Xasan Sheekh Maxamuud ayaan la ogeyn Nuxurka Khudbadda uu u jeedin doono Ardayda SIMAD, mana kala cadda inuu faahfaahin doono waxa ku dhaliyey Tanaasulkiisa Doorashadii Madaxtinimadda iyo Geeddi-socodkiisa dhamaystirka Qabyo.

Natiijada sawirka JAAMACADDA SIMAD

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud oo Maamulkiisa Dhaliil badan  iyo Ammaan kooban loo jeediyo ayaa noqday Madaxweynihii 1aad ee DFS ee sida Dimuqraadiga leh xilka loogu doortay, isla markaana Xilka si sharaf leh ku wareejiyey.

©Radio Dalsan

 

You might also like More from author

Comments

Loading...