Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Beledweyn.

Wararka aanu ka heleyno duleedka degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa shegaya in qarax khasaare geystay uu gordhaweed ka dhacay meel gadiidkasoogala magaalada lagu baro.

Sida ay sheegayaan wararka aanu heleyno miino lagu aasay  deegaan duleedka ka ah magaalada Beledweyne ayaa sababtay dhimashada Hal qof iyo dhawaca 4-ruux oo kale oo dhamaantood aha sida la sheegay maleeshiyaadkii ay isbaaradu u tiilay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in lacago aan sharci aheyn loga qaadi jiray gaadiidka xamuulka ah ee gala magaalada Beledweyne ee gobalak Hiiraan,mana jirto ilaa iyo hatan cid sheegatay Masuuliyadda qaraxaas.

Comments
Loading...