(SAWIRO): Madaxweyne Farmaajo oo degay Villa Somalia iyo Baaq Is-cafin ah oo uu jeediyey.

Munaasabad uu Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ugu wareejinayey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa barqanimadii maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Labada Mas’uul ayaa is-gacan qaaday, isla markaana Khudbado Kooban iyo Mahadnaq jeediyey, ka hor intaysan Warbaahinta la wadaagin Sawiro xusuus Taariikeed noqon doona.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay mudnaanta Maalintan uu Xilka la wareegay, isagoo u mahad celiyey dadkii ka soo shaqeeyey Munaasabadda Xilliga Kala-guurka.

Waxa uu ugu baaqay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, iskana illoowaan waxyaabihii horey u kala maray, una midoobaan Danaha Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu si daacadnimo leh ugu shaqeyn doono Qaranka, wuxuuna xusay inay Dadweynuhu iyagu leeyihiin Dowladda.

Madaxweynaha xilka ka degay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si kalsami leh ugu wareejiyey Madaxweyne Farmaajo dhamaan wixii Dukumentiyo iyo Haddiyado Kayd Qaran ah.

Weriyayaasheenna ayaa soo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo deegaan ahaan iyo Xafiis ahaan u noqonayso Villa Somalia, iyadoo Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharaf leh uga soo huleelay Villa Somalia oo uu ku sugnaa maalmo kadib. markii isaga loo doortay xilka Madaxweynaha bishii September 10-dii ee sannadkii 2012-kii.

Si kastaba ha ahaatee, waa Munaasabadii  2-aad ee uu Madaxweyne laga guuleystay uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay.

 

 

©Radio Dalsan

Comments
Loading...