Madaxweyne Farmaajo eo magacaabay La-taliyihiisa Amniga Qaranka iyo Agaasimaha KMG ee Madaxtooyadda.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta si rasmi ula wareegay Xilka Madaxweynaha

waxa uu isla maanta La-taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka u magacaabay
Xuseen Macallim Maxamuud “Damuumaaye”.
Mas’uulkaasi waxa uu horey u ahaan jirey Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka,
Xuseen Daamuumaaye waa Muwaadin Somali-British, waxayna walaalo yihiin
Xildhibaan Xasan Macallim Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Daljir.
Xuseen Damuumaaye waxa uu ka mid yihiin Saraakiisha Hay’adda
Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, wuxuuna horey mar uga mid ah
La-taliyayaasha Madaxweynayaashii hore ee Arrimaha Ammaanka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo  wX uu Agaasimaha KMG ee
Madaxtooyadda u magacaabay Danjirihii Somalia u joogay EU-da iyo
Belgium. Ambassador Dr. Cali Siciid Fiqi.
Xubnaha kale ee uu Madaxweynaha isla maanta magacaabay waxaa ka mid ah
Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada (Baratokoolka) loo magacaabay
Qunsulkii Somalia u joogay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Siyaad Maxamuud Shire.
Mas’uuliyiintaasi la magacaabay waxay ka mid ahaayeen Hawl-wadeenaddii
Guddigii Ololaha Doorashadda ee galaangalka xooggan u galay sidii loo
dooran lahaa Madaxweyne Farmaajo.

 

Comments
Loading...