Caruur walaala ah oo ku dhintay Hoobiyayaal ku dhacay degmada Warta Nabada.

Wararka aynu ka heleyno degmada Warta Nabada gaar ahaan xaafada 15 May ee degmadaas ayaa ku waramaya in maanta hoobiyayaal ku dhacay ay ku dhinteen laba caruur ah oo wada dhashay kuna sugnaa guri ku yiilay xaafada 15 May oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacay degmada Warta Nabada waxaana ay sababeen dhimashada caruurtaas iyadoo labada waalid ee dhashay caruurta ay ku dhaawacmeen hoobiye ku dhacay gurigooda xili inta badan qoysku ay ku sugnaayeen Guriga.

Ilaa shan hoobiye aya al sheegay inay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada soomaaliya waxaana ay dhaceen waxya kadib markii ay soo idlaatay munaasabada xilwareejinta ee madaxweynihii hore Xassan Sheikh iyo madaxweynaha cusb Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo si rasmi ah xilkaasi maanta ula wareegay kadib markii uu ku guuleesta doorashada Madaxweynaha.

 

 

 

 

.

You might also like More from author

Comments

Loading...