Britain oo walaac xooggan ka muujisay Macluusha ka jirta Somalia, kana digtay dad u geeriyooda Gaajo.

Ergayga Gaarka ee Dowladda Britain ugu qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi sheegay mar uu si kooban ula hadlay Suxufiyiinta, wuxuuna tilmaamay inay Boqolaal Kun oo qof oo ku sugan gudaha Somalia ay bisha May dhiman  doonaan ama ay qarka u saarnaan doonaan geeri, haddii aan la qaadin Tallaabo Degdeg ah, si wax looga qabto Cabsida Macluusha ka jirta Somalia.

Nicholas Kay oo horey u ahaa Ergaygii Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia ayaa sheegay inay xilli dambe noqon doonto, haddii wax-ka-qabashadda Macluusha lala sugo Shirka bisha May lagu qaban doono magaalladda London.

“Waxaa laga yaabaa inay boqolaal kun geeriyoodaan ama ay ku dhawaadaan geeri” ayuu yiri Nicholas Kay.

Dhinaca kale, Shabakadda bixisa Digniinta Degdegga ee Macluusha ayaa bishan ka digtay in ku-dhawaad 3 milyan oo qof oo Somali ah soo wajahi doonto  inay helaan cunto yar oo ay cunaan.

Sida laga soo xigtay Xafiiska QM ee Samafalka Aadminimo, 5 million oo qof oo Somali ah ayaa u baahan Kaalmo dhinaca Samafalka, iyadoo 363,000 oo carruur hayso Nafaqo-darro daran.

QM waxay sannadkan 2017-ka codsatay lacag kaalmo ah oo dhan 864 million oo Dollar si loogu taageero 3.9 million oo qof oo ku nool gudaha Somalia, kuwaasi oo ay haysato Macluul iyo Abaar Daran.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa ugu baaqay Dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo inay wax ka qabtaan Abaarta oo muhiim u ah in laga hortago Macluusha.

©Radio Dalsan

Comments
Loading...