Agaasimaha CIA-da Maraykanka iyo Madaxweynaha Falastiin oo kulan qarsoodi ah yeeshay.

Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu shalay Kulan qarsoodi ah la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka, Mike Pompeo, kaasi oo booqday magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Kulankooda ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee Heerka Sare ee ay yeeshaan Madaxweynaha Falastiin iyo Saraakiisha Maamulka Madaxweynaha Maraykanka.

Aqalka Cad iyo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da midna kama hadlin Kulanka Madaxweynaha Falastiin iyo Agaasimaha CIA-da.

Dhinaca kale, Saraakiisha Maamulka Falastiin ayaa walaac ka muujiyey qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee uu kaga soo horjeedo inay Falastiiniyiinta yeeshaan Dal u gaar ah.

Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay inuu door bidayo inay Yuhuudda iyo Falastiin yeeshaan Dal Mideysan, wuxuuna meesha ka saaray Dadaalkii Caalamiga ee ku aadanaa 2 Dal oo ay kala leeyihiin Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda.

©Radio Dalsan

Comments
Loading...