Dhageyso: (Falanqeyn)-Mudanayaasha Baarlamaanka Maxey ku xulanayaan Murashaxa Madaxweyne?

Waxaa axadii la soo gabagabeeyay dhageysiga hadal-jeedinta muarashixiinta madaxweynaha Somaliya.

23 Tartame ayaa ajendayaashooda u bandhigay 329-xildhibaan oo ka tirsan labad gole ee baarlamaanka.

Warbaahinta oo ay Dalsan ka mid tahay ayaa dadweynaha guda iyo dibadba ka haqabtirayay la-socodka khudbadahaasi.

Hadaba, Maxay khudbadahaasi uga duwanaayeen hadal-jeedinnadii baratamayaasha looga bartay?.

Kala xulashada murashixiinta xildhibaannadu ma ku saleynayaan bandhigga Ajendayaashooda?-mise waxaa jira go’aanno ay sii gaareen?.

Falanqeyn sheeko oo ku xiriirsan khudbadahaas iyo kalsoonida lagu qabi karo doorashada waxaa noo diyaariyay, wariyaheenna: Abubakar Maxamed Cali

You might also like More from author

Comments

Loading...