Madaxweynaha Gambia oo meesha ka saarayo magacii dalkiisa ee Jamhuuriyadda Islaamka Gambia.

Madaxweyne Adaama Barrow oo Khamiistii tegay caasimadda dalkaasi ee Banjul ayaa shalay sheegay inuu isbedel ku samayn doono Hay’adda Sirdoonka ee dalkaasi (NIA), isla markaana ballan qaadayo Xorriyadda Saxaafadda.

Waxa uu xusay inuu Wasiiradda uu  magacaabayo looga baahan yahay intaysan Xilka  qabanin looga baahan yahay inay shaaciyaan  Hantida ay haystaan.

Dhinaca kale, Waxa kale oo uu tilmaamay inuusan magaca rasmiga ee dalka ku sii jiri doonin Erayga Islaamka, taasi oo uu horey ugu daray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Yaxye Jaamac sannadkii 2015-kii.

90% Dadka ku nool dalka Gambia waa Muslim, balse waxa uu Madaxweynaha cusub sheegay inuu dalku sii ahaan doonin in loogu yeero Dowladda Islaamiga ee Gambia.

©Radio Dalsan

 

You might also like More from author

Comments

Loading...