HomeWararIsbaheysi Qarsoon oo dhex sameysmay Baarlamaanka cusub (Siilaanyo & Dahabshiil oo ku...

Isbaheysi Qarsoon oo dhex sameysmay Baarlamaanka cusub (Siilaanyo & Dahabshiil oo ku lug yeeshay)

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Isbaheysi xoog leh oo qarsoodi ah ayaa ka dhex sameysmay gudaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Isbaheysigan ayaan qeyb weyn ku lahaa ololihii doorashada ee lagu doonayay in Guddoomiye Baarlamaan loogu doorto Xildhibaan C/rashiid Xiddig. Xildhibaanada Dirta Waqooyi ee ka soo jeeda Somaliland ayaa marki ugu horeysay isku xirmay iyadoo in ka badan 30 xildhibaan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Isbaheysi xoog leh oo qarsoodi ah ayaa ka dhex sameysmay gudaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Isbaheysigan ayaan qeyb weyn ku lahaa ololihii doorashada ee lagu doonayay in Guddoomiye Baarlamaan loogu doorto Xildhibaan C/rashiid Xiddig.

- Advertisement -

Xildhibaanada Dirta Waqooyi ee ka soo jeeda Somaliland ayaa marki ugu horeysay isku xirmay iyadoo in ka badan 30 xildhibaan oo ay hormuud u yihiin Fowsiya Xaaji Aadan iyo xubno kale ay ku xirmeen magaalada Hargeysa oo markii ugu horeysay laga hagayo xaaladda siyaasadda ee ka socota Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu si dadban kooxdan geed fadhi ugu noqday iyadoo wakiilo ka socda ay Muqdisho u yimaadaan isla arrimaha doorashda dowladda Soomaaliya.

Maamulaha Shirkadda Dahabshiil ayaa isna qaabilsan maalgelinta Isbaheysiga xildhibaanada Dirta Waqooyi ee Muqdisho oo la sheegay inuu isa Muqdisho u yimid arrimo ay ka mid yihiin ololaha Doorashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Awoodda kooxdan ayaa markiii ugu horeysay laga dareemay Doorasahadii Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo codkooda ku taageeray musharaxa C/rashiid Xiddig wuxuuna ujeedkoodu ahaa haddiiba ay suuragasho in Beesha Daarood ay Guddoomiye Baarlamaan noqoto in jagada ra’iisal wasaaraha ay kula loolamaan Beesha Digil & Mirifle.

Siyaasiyiinta musharxiinta ah iyo xildhibaanada ayaa hadda ku baraarugay awoodda kooxdan cusub ee Dirta Waqooyi, waxayna tani noqon doontaa mid ka mida awoodaha qarsoon ee Baarlamaanka cusub ka dhex sameystay oo xisaabta lagu darsan doono ololayaasha Doorashada iyo Mooshinada.

@Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts