DEGDEG: Jawaari oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Tirinta codadka oo weli socota ayaa waxaa codad ka badan 141 Cod helay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari intii la tiriyay, taasoo keentay in buuq iyo mashraxad ay ka dhacdo gudaha Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa hakiyay tirinta codka si xaaladda loo dejiyo, waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada.

Waxaa hakaday tirinta codadka oo weli socota waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada.

Arrintan ayaa ka dhigay  in wareegii koowaad lagu kala baxay isla markaana uu fashilmay qorshihii Shariif Xasan ku doonayay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Comments
Loading...