[Dhageyso]:- Askari ka tirsan ciidanka Dowladda oo askari kale ku dilay degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir.

Askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta askari kale ku dilay degmada Xamarweyne ee gobalka banaadir.

Dilka ayaa yimid kedib markii uu askariga dilaka geeystay uu muran dhex maray dad ku sugnaa boosteejada laga raaco Gadiidka dee degmada Xamarweyne.

Ciimadamo kale oo ka tirsan Booliska ayaa isku dayay in aay gacanta ku dhigaan askariga’ hase’yeeshee waxa uu isku dayay in uu baxsado rasaas uu furay ayaana dishay askariga.

Sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada waxaa gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglaha.

goob jooge xamarweyne

You might also like More from author

Comments

Loading...