(Faallo): Xilliga Kala-guurka Siyaasadda iyo Maamulka Dowladnimo oo ay feer socodaan Ifafaalo iyo Rajo-xumo.

Madaxda Dowladda haatan jirta ayaa wada noqday Ku-simayaal ama Gaarsiiyaal, maadaama Madaxweynaha, Guddoomiyaha, Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacbiga Qaranka haatan Xil dhamaystiran hayin, isla markaana la filayo inay xilalkaasi la wareegaan Mas’uuliyiinta Dowladda Cusub ee la soo dooran doono.

Halbeegga Dowladnimo ee Somalia ayaa iminka taagan meel xasaasi ah, waxaana la saadaalin Karin Jihada cusub ee la hiigsan doono, maadaama ay jiraan Calow Siyaasadeed iyo Caqbado khatar ku ah Geeddiga Doorashadda iyo Isbedelka Dowladnimo.

Waxaana hubaal ah in maalmaha soo socda iyo isbuucyadda soo socda noqon doonaan Xilli Adag oo ay wax kasta isku cakirnan doonaan, haba ugu horreeyaan Doorashadda Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Cusub.

Tobanaan Musharax ayaana u taagan Xilka Madaxweynaha Cusub, iyadoo Doorashaddan ka qalafsanaan doonto Doorashaddii dhacday sannadkii 2012-kii, waxaana taasi ugu wacan Xaalladda Siyaasadeed ee Xilliga Kala-guurka Dowladnimo.

Musharixiinta Madaxtinimadda waxay isugu jiraan Madax Hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda, inkastoo ay ka wada mideysan Ahdaafta Loolankaasi.

Waxaana la saadaalinayaa in Madax Cusub oo Waaya-aragnimo leh lagu wareejin doonin Hayinka Madaxtinimo iyo Dowladnimo, inkastoo aan iyagana la hubin halka ay Dhaanka u rari doonaan afarta sanno ee soo socota.

Geeddiga Dowladnimo ayaa waxa la dhihi kara waxa uu majaraha la geli doono Taariikh ku cusub Mustaqbalka Somalia, waana inay Muwaadiniinta ka fekeraan halka  loo dhaqaaqi doono iyo halka Dhaanka Dowladnimo loo sal-dhigi doono.

Tan iyo Burburkii Dowladdii Kacaanka, waxay Soomaalida ku soo nolol qaateen Dowlado KMG iyo kuwo Dhamaystiran, kuwaasi oo ka wada siman Fadhiidnimo, Musuq, Caddaalad-xumo iyo Shaqo La’aan baahsan, taasi oo abuurtay Nolol Kala Sarreeysa, waxaana Kaaf iyo Kala-dheeri ah Nolosha  Madaxda Dowladda iyo Jiilka ku hareeraysan iyo Xaalladdaha kale ee ay ku sugan yihiin inta badan Dadka Soomaalida oo Dakhli soo galo maalintiiba uu ka yar yahay 2 Dollar.

Waana hubaal in Labada xaalladood lagu mataali karo  Lax dhunkan Abaar moog oo kale.

Haddaba, haddaan eegno Xilliga Kala-guurka Dowladnimo ee la rajeynayo in lagu kala wareego Maamulka Dowladda waxaa la saadalinayaa in la galayo Xilli xasaasi ah oo Xasaasiyad xambaarsan, waxaana la filan karaa Rajo Ummadeed ama Rajo-xumo mar kale lagu sii nolol qaadan karo.

©Radio Dalsan

You might also like More from author

Comments

Loading...