HomeWararXOG: IGAD oo diiday in Muwaadin Somali ah loo magacaabo Xoghayaha Guud ee IGAD.

XOG: IGAD oo diiday in Muwaadin Somali ah loo magacaabo Xoghayaha Guud ee IGAD.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ilo Diplomaasi oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD  wada laaleen qoraal uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Somali-Norwegian, kaasi oo la qorsheynayey inuu noqdo Xoghayaha Guud ee cusub ee IGAD. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhowr bilood ka hor qoraalkaasi u diray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo Diplomaasi oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD  wada laaleen qoraal uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Somali-Norwegian, kaasi oo la qorsheynayey inuu noqdo Xoghayaha Guud ee cusub ee IGAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhowr bilood ka hor qoraalkaasi u diray Madaxda iyo Hoggaaminta Urur-gobaleedka IGAD, si Xasan Kheyre  loogu wareejiyo xilka Xoghayaha Guud ee IGAD oo uu haatan hayo Engineer Maxbuub Macallim.

- Advertisement -

Warar Xogogaal ayaa sheegaya in qoraalka Magacaabista Xasan Kheyre ku soo beegantay Warbixin ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) ku sheegeen inay Xasan Kheyre suurtogal tahay inuu xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab.

Guddiga waxay Warbixintooda ku dabaqeen iyadoo Xasan Kheyre  yahay Agaasimaha Shirkadda Som Oil and Gas ugu qaabilsan Geeska Afrika, isla markaana uu horey ula soo shaqeeyey Hay’adda Dowladda Norway ugu qaabilsan Qaxootiga ee The Norwgian Refugee Council (NRC).

Xiriiryaha Guddiga QM ee Kormeerka Somalia iyo Eritrea, Christophe Trajbet ayaa horey u qoray in Wakiilka Soma Oil and Gas ee Bariga Afrika, Xasan Kheyre laga yaabo inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee BuzzFeed oo daabacday qoraalka Xiriiriyaha Gudsdihgaasi ayaa lagu sheegay inay Baarayaasha doonayaan Faahfaahinta Diiwaanka Canshuur-bixinta, Xisaabaadka Bangiga iyo Kaararka Deynta ee uu leeyahay Muwaadinka Somali-Nowegian-ka, Xasan Kheyre.

Madaxda Sare ee Soma Gas and Oil waxay beeniyeen eedeymahaasi, oo ay ku tilmaameen mid looga dan leeyahay in lagu dhaawaco Sumcadda Shirkadda Soma Oil and Gas iyo midda Shaqsigaasi.

@Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts