Duuliye Masaari iyo rag kale oo laga digay inay Diyaarad laga leeyahay...

Duuliye Masaari iyo rag kale oo laga digay inay Diyaarad laga leeyahay Kenya u adeegsadaan fal is-qarxin ah

SHARE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha loo joojiyey Diyaaradaha Rakaabka ee isaga kala gooshi jirey dalalka Somalia iyo Kenya.

Hadal ka soo baxay Dowladda Kenya aya lagu sheegay in Diyaaradaha ka duullaya Garoomadda diyaaradaha ee Wilson Airport iyo Jomo Kenyatta International Airport ee ku sii jeeda dalka Somalia, kana soo laabanayo  looga baahan yahay inay fasax ka qaataan Wasaaradad Arrimaha gudaha ee Kenya.

Sharciga cusub ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Kenya isbuucii hore xayirtay dhamaan Diyaaradaha Rakaabka ee isaga kala gooshi jirey Kenya iyo Somalia, inkastoo ay Diyaaradihii Qaadka si dardar leh u shaqeynayaan.

Sharcigan cusub ee ay Dowladda Kenya ku soo rogtay Diyaaradaha Rakaabka ee isaga kala goosha Somalia iyo Kenya ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii ay Sirdoonka Kenya heleen digniino la xiriira in Duuliye ka yimid dalka Masar iyo rag Is-qarxiyayaal ah qorsheynayaan inay afduubtaan Diyaarad ka timid Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magfaalladda Nairobi.

Hadalka ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay inay suurtogal tahay in Weeraro loo adeegsado Diyaraaddo lala soo beegsado dalka Kenya, kaasi oo la mid ah afdiuubkii diyaraadaha ee y Daalyahanno ka tirsan  Ururka  Alqaacida ku weerareen Daarihii Mataanaha ee Maraykanka  bishii Sept 11-dii ee sannadkii 2001-dii.

Khabiir ku takhasusay Duullimaadyadda Diyaaradaha ayaa sheegay inuu Duuliye u dhashay dalka Masar u tegay somalia si uu u afduubto Diyaaradaha Kenya, kadibna uu u adeegsado weeraro Argagixio oo la mid ah kii Maraykanka ka dhacay Sept. 11.

Madaxa Guddiga Hawlaha Diyaaradaha ee Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi, Dhame Gaad Kama’u ayaa sheegay inay hataan fasax ka sugayaan Waasaradda Arrimaha Gudaha, inkastoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya horey u amartay in la joojiyo Diyaaradaha Rakaabka ee u kala gooasha Kenya iyo Somalia.

Cabsida xooggan ee ay Dowladda Kenya ka muujinayso in Diyaaradaha u soo socdaala Somalia loo adeegsado Falal Is-qarxin ayaa ku soo beegmayso iyadoo Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama lagu wado inuu dabayaaqadda bisha soo socota ee July booqasho ku yimaado magaalladda Nairobi, iyadoo aad loo adkeeyey ammaanka guud ee dalkaasi.

Boqolaal ciiddamo khaas ah oo Maraykan ah ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo u gogol-xaarayo ammaanka booqashadda Madaxweyne Obama ku imaanayo Kenya.

Halkan ka akhriso Warbixinta: Links: http://the-star.co.ke/news/state-issues-new-order-clearing-somalia-bound-planes-wilson-jkia#sthash.7UGBQEsp.dpbs

(Visited 466 times, 1 visits today)